Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo la dhaariyay & kulanka golaha Shacabka oo socda

58

Kulanka golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay Xarunta golaha Shacabka ee magaalada muqdisho, kaas oo shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe).

Kulanka ayaa ajandihiisu yahay dhaarinta Xubin sharafeedka Golaha Shacabka ee aan dhicin kaas oo noqonaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hayeeshee Xildhibaano katirsan golaha Shacabka ay kasoo horjeesteen in la dhaariyo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo kulanka furay ayaa sheegay in 11 mudane oo katirsan golaha Shacabka ay u soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah in la dhaariyo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi farmaajo, hayeeshee guddoomiyaha uu sheegay in dhaarta ay soconeyso qofkii tabasho qabana laga wada hadli doono,

XildhibaanCabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay kulanka dhankiisa ayaa sheegay in uu kamid yahay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mooshinka gudbiyay, wuxuuna sheegay in Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ahaa Mas’uulkii bixiyay weerarkii lagu qaaday Gurigiisa Bishii December askar badana looga dilay.

Wuxuu sheegay in mas’uuliyiintii kale ee qeybta ka ahaa weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay cafis ka dalbadeen, balse Maxamed cabdullaahi Farmaajo