Baarlamaanka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyay xilheynta Madaxweyne Axmed Madoobe

16

Golaha wakiilada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta baarlamaanka ee magaalada Kismaayo.

Kulankan oo ahaa kalfadhigi afaraad fadhigiisi shanaad ee golaha wakiilada Jubbaland ayaa ajandihiisu ahaa in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Jubbaland, Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa 58 xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay soo jeedin bishii hore ay soo jeediyeen 30 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland taasoo aheyd in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Jubbaland Qodobka 28aad iyo qodobka 70aad.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib ansixiyey in la badalo labaas qodob islamarkaana muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno, Waxaana ogolaaday 55 Xildhibaan, 2 xildhiaan ayaa diiday halka 1 xildhibaan uu ka aamusay.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada kulanka.