Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaal 26 Saac Xiriir Ah Oo Weli Ka Socda Hotelka Xayaat

42

Waxaa weli in ka badan 26 saacadood oo xiriir ah hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho ku dagaalamaya Ciidanka dowladda Federaalka iyo rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo habeen hore weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday hotelka.

Ciidanka dowladda ayaa ku guuleysan la’ inay soo afjaraan howlgalka ay ku doonayaan soo gaba-gabeynta weerarka, waxaana gudaha hotelka laga dhex maqlayaa qaraxyo iyo rasaas xoogan.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in badi inta badan dadkii laga soo badbaadiyay weerarka, isla markaana xubno ka tirsan Al-shabaab ay ku jiraa hotelka oo hub kasoo ridayaan, sida ay ku warrameen dad goobta ka agdhow.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat ee ku yaalla Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, sodameeyo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada Muqdisho.

Weerarka lagu qaaday Xayaat oo markii hore ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah ayaa waxaa uu noqonayaa midkii ugu waqtiga dheeraad ee socda, waxaana Al-shabaab ay sheegeen inay ku dileen Askar farabadan oo ka tirsan dowladda.