Abwaan Hadraawi oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

56

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun uu dhul yaal u noqday muddo dheer, waxaana geeridiisa si weyn u hadal heysa warbaahinta.

Abwaan Hadraawi ayaa ahaa 79 sanno jir, waxaana si weyn looga garanayey guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa tiirarka udub dhexaadka u ah Fanka iyo Suugaanta, isaga oo sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Waddani iyo Jaceyl.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isna xaqiijiyey geerida Abwaan Hadraawi, ayaa Ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga uga tacsiyadeeyey geerida marxuumka.

Allaha u naxariistee waxaa sidoo kale geerida ku timid Abwaanka ka tacsiyeeyey madax ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war ka soo saaray geerida Abwaanka.

Hadraawi wuxuu ku dhashay magaallo madaxda gobolka Togdheer ee Burco sannadki 1943kii, wuxuuna ka mid ahaa hal abuurrada ugu muuqa dheer gayiga Soomaaliyeed.