Taliye Ciidan oo Maanta Muqdisho lagu dilay

53

Wararka Radio Markabley ay ka heleyso degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegaya in Maanta la dilay Taliyihii Ciidanka Booliiska Waaxda Barwaaqo ee degmadaasi Dayniile.

Askari katirsan Ciidamada Booliska degmada Deeyniile ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay dilka Taliyihii Ciidamada Booliska Waaxda Barwaaqo xilli uu ku sugnaa isla Waaxda Barwaaqo ee xaafada Gubta, waxaana taliyaha la dilay Magaciisa lagu soo koobay Calas.

Wararka ayaa sheegaya in ka hor dilka Taliyihii Ciidamada Booliska Waaxda Baarwaaqo ee degmada Deeyniile uu khilaaf xoogan soo dhex galay, isaga iyo Askariga dilay, waxaana rasaasta lagu dilay ku dhaawacmay askari kale oo katirsan Ciidamada Booliska.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday, hayeeshee ay ku raadjoogaan si ay u soo qabtaan laamaha Amniga degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir.