Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Abaaraha oo gaaray degmada Buulo Burde

21

Waxaa Maanta degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay

Wafdiga Ergeyga waxaa kamid ah xubna ka socda hay’adda cuntada adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno WFP, waxaana ujeedka safarkooda lagu sheegay u kuur gelidda xaaladda abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu ay saameeyeen.

Wafdiga Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale C/raxmaan C/shakuur ayaa kormeer indha-indheyn ku tagay xeryo ay degan yihiin dadka ka soo barakacay abaaraha ka jira deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa muddo dhowr sano ah ay u go’doonsan tahay Ururka Al-Shabab, waxaana go’doonka ka dhashay dhibaatooyin saameyn ku yeeshay dadka Shacabka ah.