Waxaa magaalada Burco lagu soo afmeeray shirkii arrimaha amniga iyo iskaashiga xidiidhka labada dhinac ee gobolka Tog-dheer Somaliland iyo gobolka Jarar ee DDS.
Masuuliyiinta dhanka gobolka Tog-dheer ee Somaliland ayaa iskugu jiray laamaha kala duwan ee ammaanka iyo masuuliyiinta maamulka gobolka, halka dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalidana ay goob-joog ka ahaayeen laamaha kala duwan ee ammaanka, gaar ahaan saraakiisha sar-sare ee Ciidanka Xoogga Gaarka, komishineerka booliska gobolka Jarar, guddoomiyaha gobolka, hooggaanka nabadgelyada iyo maamulka degmada Gaashaamo.
Labadan dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha ammaanka xadka, la dagaallanka waxyaabaha sharci-darrada ah, xoojinta wada shaqaynta, xidhiidhka laamaha ammaanka labada dhinac iyo adkeynta xidhiidhka masuuliyiinta labada gobol sidoo kale, waxay