DF oo shuruudo ku xireysa in la fasaxo khaatka KENYA

27

owladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsan in dib loo fasaxay khaatka Kenya ee iman jiray Soomaaliya oo hadda xayiran muddo laba sano ah.

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa shalay sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.

Munya ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyada tooska ah ee labada dal ay dib u billaabmi doonaan Talaadada.

Heshiis la xiriira adeegga duulimaadyada ayaa lagu doc saxiixi doonaa shirka IGAD ee Talaadada lagu qabanayo Kenya, ayada oo Kenya ay fududeyn doonto xeerarka Visa-ha ee ku wajahan Soomaalida.

Si kastaba, sarkaal sare oo ku dhow maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay inuu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro khaatka, balse aanu jirin heshiis rasmi ah oo arrintan laga gaaray.

Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya qudheeda ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah.