Maamulka Gobolka Hiiraan oo War kasoo saaray dagaalkii ka dhacay degaan hoostaga Beledweyne

4

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa bogaadiyay Ciidamada Dowlada iyo ciidamada is Abaabulay ee deeganka oo kaashanayo Hay’adaha Ammaanka oo saaka weerar ku qaaday deegan Booco, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobalka Hiiraan Axmed Cabdulle Cusmaan ( Inji) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Howlagalka lagu qaaday Al-Shabaab looa dilay tiro 20 Xubnood ah oo dadka ku dhibaateyn jiray degaanka Booco.

Wuxuu sidoo kale sheegay Goobta la weeraray ay Maxkamad u aheyd Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada Ammaanka iyo dadka degaanka ay sii wadi doonaan howlallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deganka booco oo dhaca 40-KM dhanka Koonfureed Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamada dowladda & maleeshiyaadka degaanka ay dib Beledweyne ugu soo laabteen