DHAGEYSO Suldaan Gureey Xaaji Faarax oo ka hadalay dil dhawaan kadhacay deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose

31

Suldaan Gurey Xaaji Faarax oo ah Gudoomiyaha Is bedel doonka ee Waqooyiga Amerika ee Jubaland ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta markabley, waxaa uu ka Hadley dad shacab ah oo dhawaan lagu dilay Deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada hoose dadkaasi oo ahaa dad Xoola dhaqata ah 

Dhawr maalmood ka hor ayeey aheyd markii diif lagu dilay shacab xoola dhaqata ah waxaana dilka geystay maleeyshiyaad katirsan ciidanka Jubbaland sida ila wargal ah ay inoo xaqiijiyeen suldaan Gureey xaaji faarax ayaa wareysigiisa waxaa uu sidoo kale kaga hadlay Dowlada cusub ee uu hogaaminayo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isagoo tilmaamay in xasan looga fadhiyo waxkaqabashada dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Gobolka Gedo.

Ugu dambeyn Suldaan Gureey ayaa soo hadal qaaday dhismaha Jubbaland loo dhan yahay sida uu sheegay oo qorshaheeda hada ay wadaan meel wanaagsana ay wax u marayaan.