Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa min hal sanno iyo afar bilood ku xukuntay wariyeyaasha kala ah Mohamed Ilig iyo Cabdijibaar Maxamed halka ay xorriyadiisii u soo celisay Cabdiraxmaan Khaliif.
Sidoo kale Wariye Cabdimaalik muuse coldoon ayaa maanta Maxkamadda Racfaan Hargeysa ku xukuntay laba sannood oo xadhig ah iyo saddex milyan oo shilinka Somaliland oo ganaax ah.
Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa hore wax dambi ugu wayday Coldoon.
Wariyeyaashaan ayaa dhawaan lagu xiray magaalada Hargeysa ka dib markii ay soo tabiyeen shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Somaliland ayaa noqotay meelaha sida weyn loogu caburiyo saxaafadda Madaxa banana, waxaana wariyeyaashaan ay xirnaayeen ku dhawaad 40 cishso.