Maxay beeralleyda jaadka Kenya ka dhaheen dib u doorashada Xasan Sheekh Maxamuud?

51

Beeralleyda ka ganacsata khaatka ee Kenya ayaa xalay si toos ah u daawanayay doorashada madaxtinnimo ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale maalmihii la soo dhaafayna aad ula socoday halka ay mareyso.

Qoraal ay ku soo daabaceen boggooda Facebook, ayaa Ururka Ganacsatada Khaatka ee Kenya oo magacooda loo soo gaabiyo NYAMITA waxay hambalyo ugu direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaanu rajeyneynaa horumar ka dhaca Soomaaliya iyo isdhexgal wanaagsan oo gobolka ah. Kheyr baan kuu rajeyneynaa mudane Madaxweyne.” Ayay ku yiraahdeen qoraalka.

Ururka ayaa qoraal kale oo ay 12-kii bishan soo dhigeen boggooda waxay madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaameen “cadowga khaatka”.

Khaatka Soomaaliya uga imaan jiray Kenya ayaa in muddo ahba ay mamnuucid saaran tahay, taas oo sida ay ganacsatada khaatka Kenya ay sheegeen ku keentay dhaqaalo xumo aad u daran. Arrintan ayaa sidoo kale xumeysay xiriirka labada dal

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2016 markii ugu horreysay mamnuucay khaatka Kenya, taas oo saameyn weyn ku yeelatay ganacsiga khaatka Kenya oo markaas suuqo xumo la daalaa dhacayay.

Mar uu ka hadlayay shir uu u ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in ganacsiga iyo cunista khaatkaba ay saameyn ballaaran ku yeesheen Soomaalida ay qasab tahay in la mamnuuco.

Khat

Balse muddo kaddib ayaa dib loo fasaxay khaatka, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay dib u fasaxday khaatkii laga keeni jiray Kenya, ka dib wadahadallo dhexmaray madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa wadahadal ka yeeshay arrimaha ganacsiga ee khaatkuna uu ka midka yahay. Kenyatta ayaa ka qayb galayay shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey bishii September, 2016.

Illaa iyo 16 duulimaad oo jaad sida ayaa maalin kasta aadi jiray Soomaaliya.

Ganacsatada iyo beeralleyda jaadka ee Kenya ayaa waxaa soo gaaray khasaare malaayiin doollar ah intii diyaaradaha jaadku ay xayirnaayeen.