Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Ciidanka Mareykanka ee kusoo wajahan Soomaaliya

9

 

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynaha Maraykanka Jeo Biden uga mahadceliyey in ciidamo cusub uu Maraykanku keeno Soomaaliya, sida ay baahisay Villa Somalia.

Madaxweynaha cusub ayaa xusay in dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto iskaashiga ay lala leedahay Ciidanka Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Joe Biden uu fasaxay in ciidamo ka tirsan Mareykanka dib loogu celiyo Soomaaliya si ay u fuliyaan howlgallo ka dhan ururka Al-shabab, taas oo ka lid ku ah go’aanki uu madaxweynihi hore ee Maraykanka Donald Trump uu Soomaaliya uga soo saaray ciidamadan.