Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ay saaka tiro madaafiic ah ku garaaceen degaankaas, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Al-Shabaab iyo dad Shacab ah.
Ciidamada ATMIS ayaa hoobiyeyaasha ka tuurayay Xero ay ku leeyihiin degaanka Miirtuugo oo u dhow degaanka Ceelbaraf, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay tiro hoobiyeyaal ah kusoo dhaceen Xaafado katirsan degaanka Ceelbaraf.
Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay hoobiyeyaasha ee gaaray dadka Shacabka, iyada oo ay xusid mudan tahay in badi dadkii ku sugnaa degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ay barakaceen.
Madaafiicda ay Ciidamada ATMIS saaka ku garaaceen degaanka Ceelbaraf ayaa qaarkood ay burburiyeen Guryo dadkii deganaa ay horay uga barakaceen.
Tan iyo markii Al-Shabaab ay weerareen lana wareegeen degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Ciidamada ATMIS waxaa weeraro madaafiic joogto ah ku garaacayeen degaanka Ceelbaraf, taas oo keentay in dadkii deganaa ay badi barakacaan.