Beeraleyda Baardheere iyo Ganacsatada deegaanka oo Walaac xoogan ka muujiyey Taageero la,aan Dhanka Hay,adaha Samafalka.

44

Beeraleyda Baardheere ayaa markii ugu horeysay muddo sanad ka badan waxay dib u bilaabeen Tacbashada Beeraha,ka dib markii ay soo mareen Abaaro iyo dhaqaalo xumo,balse Roobabka Guga oo dhowaan ka curtey deegaanka iyo Webiga oo biyo badan keenay ayaa sababtey in xiligan kumanaan hektar ay ku beertaan dalagyo kale gedisan.

Hadaba Qaar ka mid ah Beeraleyda Baardheere iyo Ganacsatada deegaanka ayaa kulan maanta ay yeesheen waxay eedeyn u jeediyeen Hay,ada FAO oo horey u balan qaadey in beeraleyda Baardheere ay ka caawin doonta wax beerashada,heshiisna ay kula galeen ,balse taasi bedelkeeda ayey sheegeen muddo ku dhow ilaa 2 sanno in ay ka la,yahiin Qaan sheegashadii ay Qorteen.

,waxayna hay,ada ay ka dalbadeen in lacagahaasi ay bixiyaan,islamarkaana ay sii wadaan Taageerada Beeraleyda deegaanka.