Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in maamulka Koofur Galbeed loo sii daayay laba kursi oo ka mid ah kuwa dhawaan laga joojiyay waxaana lagu celiyay hal kursi.
Kuraasta loo sii daayay maamulka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in ay kala yihiin Hop#103 iyo Hop#204, halka Hop#154 dib loo dhigay.
Talaabadan ayaa ka dambeysay, kadib markii maanta Magaalada Baydhabo ay gaareen wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle.
Kulan saacado badan qaatay oo ay yeesheen madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen iyo guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa keentay in is faham hor u dhac ay gaaraan labada dhinac.
Kursi dib loo dhigay ayaa waxaa ku fadhisa Xildhibaan Sareeda Maxamed Cabdulle.