Xildhibaanada qaatay shahaadada Xildhibaanimo oo gaaray 200

45

Qoraal facebook-ga Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT lagu shaaciyay ayaa lagu sheegay in howsha bixinta shahaadada Xildhibaanada ay si dardar ah ku socota, Xili maalmo kooban ay ka harsan tahay dhaarinta Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in tirada xildhibaanada ilaa haatan qaatay shahaadada xildhibaanimo ay gaarayso 200 oo xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare.

Ugu dambeyn waxay tilmaameen in dalka uu aaday doorasho iyagoo qoraalka kooban ku yiri ,” dadweynoow doorashaa loo dareeray!”

Dhinaca kale, waxaa xarunta Guddiga FEIT ka socoto shahaado bixinta Xildhibaanada, waxaana goor sii horreesay qaatay Xildhibaanada kala ah:

1- Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame (GSH#138).
2. Abdisamad Mohamed Hassan
3. Yusuf Hayle Jimale GSH#012
4. Mohamed Hussein Hadi GSH#209
5- Xildhibaanad Marwo Khadija Mohamed Almakhzoum (GSH#034).