Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta waxaa uu la kulmay qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan xerada Xalane Muqdisho.
Dhinacyadan ayaa waxaa ay kulan ugu wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan.
Dhanka kale Ra’iisul Waaaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BFS oo uu kala hadlay qabanqaabada iyo u diraar garowga dhaarinta xildhibaannada ee qorsheysan 14-ka bishan.