Ciidanka ATMIS oo howlgal ka sameeyay gudaha Xalane

23

Maanta Ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka ATMIS waxay howlgallo baaritaano ah oo amni xaqiijin ah ka sameeyeen Gudaha Xerada Xalane iyo terminaalka MOVCOM oo ku yaalla Garoonka Aadan Cadde, kaasi oo ay isticmaalaan hay’addaha shisheeye.

Sidoo kale, howlgalka Ciidamada ayaa la sheegay inuu saameyn ku yeeshay isku socodka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo shaqaalaha UN-ka, maadama talisku uu ku wargeliyay Shaqaalaha in aysan diyaarad maanta bixi karin.

Qoraal kasoo baxay xalay Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu sheegay in 10 bishaan oo maanta ku beegan ilaa 16-ka bishaan bandow lagu soo rogay xerada Xalane oo saldhig u ah hay’addaha shisheeye ee ku sugan dalka.

Sidoo kale, waxay qoraalkooda ku sheegeen in bandowga uu la xiriiro howlgallo ballaaran oo lagu sugayo ammaanka guud ee xerada Xalane, taasi oo lagu wargaliyay Xafiiska Qaramada Midoobay.

Howlgalkaan ka socda xerada xalane ayaa u muuqdo mid saameyn ku yeelan karo dhaarinta Xildhibaannada labada Xildhibaanada labada aqal ee BFS, maadama loo balansan yahay in Xildhibaanada lagu dhaariyo 14 Bishaan xerada Afisyooni taas oo ku dhex taalo xeyndaabka xerada Xalane ee Muqdisho.

Talaabada howlgalka ATMIS ayaa kusoo aadeysa, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble uu qaatay go,aan uu dalka kaga eryay Wakiilkii Midowga Afrika Francisco, balse uu go,aankaas uu qaadacay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.