Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland oo maanta u fadhiisatay dacwad ciqaabeed loo heysto shan Nin oo hore loogu soo eedeeyey in ay si sharci-daro ah uga ganacsanayeen xayawaanka Hari-macadka.
Maxkamada ayaa go,aamisay maanta in shanta Nin lagu xukumo hal Sanno oo xarig ah iyo 3 Milyan oo ganaax lacageed, maadama ay sheegtay in si sharci-daro ah uga ganacsanayeen xayawaanka Hari-macadka oo ka mid ah xayawaanada ku nool Somaliland.
Sidoo kale, Maxkamada Moroodi-jeex ayaa sheegtay in Raggaan la xukumay lagu soo qabtay hawl-gal ay si wada jira u fuliyeen Wasaaradda Deegaanka iyo Ciidanka Booliska Somaliland kaas oo dhacay 14-kii bishii March ee sannadkan.
Ugu dambeyn Maxkamada ayaa sidoo kale isla maantaba ku wareejisay Wasaaradda Deegaanka labo ka mid ah Haramcadkii lagu soo qabtay eedaysanayaashii, halka labo kalena ay bakhtiyeen.