Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta xubnaha Maxkamadda Sare ee dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Waxaa munaasabadda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Mudane Nuur Ciise Maxamed iyo xubnaha garsoorka kala shaqeynaya.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta la dhaariyay in ay sida ugu wanagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday, wuxuuna alle uga baryay in uu xilka u fududeeyo.