Qaar ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay Koofur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

32

Waxaa goor sii horeysay gaaray magaalada Baydhabo xildhibaano ka tirsan kuwa dhawaantan lagu doortay magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe oo Muqdisho ka tagay si ay garab istaag ugu muujiyaan maamulka Koofur Galbeed.

Xildhibaannada dib ugu laabtay Baydhabo waxa kamid ah Cabdalla Xuseen Cali, Wasiirka Caddaalada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha ciidamada Asluubta iyo xildhibaano kale.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in sababta ay ugu laabteen magaalada Baydhabo ay tahay inay wadatashi la sameynayaan bulshada Koofur Galbeed iyo maamulka.

Madaxweyne Laftagreen ayaa ugu baaqay Xubnaha Koonfur Galbeed ku matalaya Baarlamaanka 11aad in ay sameeyaan isku duubni, taas oo ka dhalatay markii Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT uu ku dhawaaqeyn liiska Xildhibaannada KG ayaga oo ka reebay saddex kursi oo horay u hakiyay natiijadooda guddiga.