Labo Xildhibaan oo lagu doortay Beledweyne

68

Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan bahda Garsoorka ayaa ku soo baxay Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#019.

kursigaan ayaa waxaa ku tartamay 5 Musharax, Maxamed ayaa helay 66 cod, sida uu ku dhawaaqay SEIT Hirshabeelle.

Kursigaan waxaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad Xildhibaanad Farxiya Muumin Cali.

Dhanka kale Waxaa soo idlaaaday Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#59 oo ay ku tartamayeen murashxiiinta kala ah

1. Mohamed Abdullahi Buraale
2. Cabdullahi Cali Cilmi

Doorashada oo ahayd hal Wareeg ayaa waxaa uu Murashax Mohamed Abdullahi Buraale helay 66 cod halka Murashaxa kale ee

Mudane Cabdullahi Cali Cilmi uu helay 35.

Wax halaabay Majiraan.

Sida daraadeed natiiijada Hordhaca ah ee BFS waxaa ku guulaystay Mudane Mohamed Abdullahi Buraale.