Madaxda Midowga Yurub oo digniin u diray Shiinaha

23

Madaxa guddiga Yurub ayaa uga digay Shiinaha in uu Ruushka ku caawiyo dagaalka Ukraine, taasi ka soo horjeeda cunaqabateynta ay Reer Galbeedka saareen Ruushka.

“Dagaalka oo sii dheeraada iyo carqaladaynta dhaqaalaha adduunka cidna dan uguma jirto,” Ursula von der Leyen oo ah Madaxa Midowga Yurub ayay ku tiri a barteeda twitterka, ka dib shir xasaasi ah oo ay la yeesheen Madaxweynaha Shiinaha.

“Waa in la ixtiraamaa sharciga caalamiga ah iyo madax banaanida Ukraine iyo madaxbanaanida dhuleed,” ayay raacisay, waxaana ay tilmaamtay in Shiinaha  ay “mas’uuliyad gaar ah” saarantahay, maadaama uu kamid yahay Xubnaha Joogtada ee Qaramada Midoobay.