Dagaal geystay khasaaro oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

54

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa Uganda ee kamid ah howlgalka AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaan hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerareen saldhiga Ciidamada AMISOM ee degaanka Buulo Culoow oo hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen iyo madaafiic ay ridayeen Ciidamada AMISOM, waxaana la sheegay in dagaalka ay ku dhaawacmeen dad rayid ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Buulo Coloow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaaladda ay degan tahay, isla markaana Ciidamada AMISOM ay ku sugan yihiin Saldhigooda.

Dagaalkaan ka dhacay degaan hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo beegmaya xilli xalay Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen degmada Buulo Mareer ay muddo kooban la wareegeen kadibna ay isaga baxeen.