Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah Deeq Gargaar ah u kala dirtay dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Puntland.
Laba diyaaradood oo Gargaar sidday ayaa waxaa ay Wasaaradda Gargaarka u kala dirtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, halkaas oo qoysas farabadan ay ku saameeysay Abaarta darran ee dalka ka jirta.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegtay in Gargaarkan oo ka yimid dowladda Imaaraadka Carabta loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka ugu mudnaa ee Abaarta saameynta baallaran ay ku yeelatay dadkaas.
Xukuumadda xilgaarsiinta oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada dadaalo kala duwan oo loogu gurmanayo dadka Abaaraha saameeyeen ee kunool Gobolada dalka Soomaaliya, waxaana Xukuumadda ay Deeq gargaar ah gaarsiisay qoysas farabadan.
Abaarta sanadkaan ku dhufatay dalka ayaa reebtay saameyn xun, isla markaana waxaa ku dhintay dad dhowr ah, halka sidoo kalena ay ku le’deen xoolo ay lahaayeen qoysas danyar ah, waxaana meesha ugu darran ee Abaarta ka jirtay ay aheyd Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.