Wada hadalo xal looga gaarayo khilaafka ka taagan doorashada kuraas taala Garbahaarey oo socda

67

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed (Shire Coley) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka DG Jubbaland oo Wareysi gaar ah siiyay KNN ayaa kaga hadlay khilaafka daba-dheeraaday ee ka taagan doorashada kuraasta 16-ka ah ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Xildhibaanka oo wax laga weydiiyay mudadii ahayd Afar iyo Tobanka maalmood ee loo qabtay doorashada kuraastaas in lagu soo gabagabeeyo, ayaa sheegay in ay dhamaatay mudadaas balse ay socdaan hanaan xal looga gaarayo kilaafka jira.

“Adeer waa sax mudadii afar iyo tobanka maalmood wey dhamaatay, su’aashaadii ahayd xagee loogu gudbayaa hadane meel loo gudbayo majirto koleey hanaanka (process) ka ayaa sii soconayo ilaa laga gaarayo xalkii  loo socday oo doorashada sidii loo qaban lahaa uun baa loogu gudbayaa meel kaloo loogu gudbayo ma jirto”

Waa kan Wareysiga  Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed (Shire Coley) , isagoo u waramay Cabdullaahi Kulmiye Cadoow oo ka tirsan KNN.