War kasoo baxay Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre, waxaa uu kaga hadlay Doorashada kuraasta ka dhiman Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee ku harsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Jubbaland, isagoo ku baaqay in in la dadejiyo Doorashada kuraasta dhiman.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadan Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Xiliga la dhaarinayo Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare oo ah 14ka April 2022, taasi kama dhigna in dhammaan la dhammeystiri doono kuraasta balse way dhici kartaa, haddii xitaa la gaaro waqtiga dhaarinta waxaa doorashada lasii wadi karaa kaddib marka la dhaariyo Xildhibaannada sida dhacday 2016kii” ayuu yiri Danjire Larry Andre.
Sidoo kale, Larry Andre Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in xukuumadda Washington ay taageereyso cid weliba oo daneyneysa xasiloonida, dib u dhiska, ka shaqeynta nabadda, Xasiloonida iyo dib usoo laabashada awoodda Dalka.
“Waxa aan taageereynaa kuwa dooranaya in la dhiso Soomaaliya oo Amni ah, Barwaaqo ah nabadna ah waa taas iskaashiga aan la leynahay Mas’uuliyiinta Soomaalida, Dadka Soomaaliyeed & Bulshada Rayidka ku wajahan yahay, Danta Dadka Mareykanka ayaa ah in ay arkaan Soomaaliya oo guuleysata” ayuu yiri Danjire Larry Andre.
Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Muqdisho, isagoo kulan dhinacyo kale duwan ay la qaadatay Mas’uuliyiinta heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed, Madaxdii hore ee Dalka, Bulshada Rayidka, Haween, Ururro & dhinacyada Daneeya Arrimaha Soomaaliya.