Waxaa Maamulka Degmada Feer-Feer, iyaga oo kaashanaya Odoyaasha Dhaqanka deegaanka ay ku guuleeysteen in ay soo daayaan Dhalinyaro Shalay Ciidamada Itoobiya ay ka wateen inta u dhaxeeyso Degmooyinka Beledweyne iyo Feer-Feer Soomaaliya kuwaas oo lagu xiray Feer-Feer Itoobiya.
Dhalinyaradaan ayaa in Ciidamada Itoobiya ay xirtaan waxaa ay ka dambeeysay kadib markii Ciidamada Itoobiya qarax lala beegsaday, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Kulan gaar ah oo dhexmaray Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Feer-Feer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya & mas’uuliyiinta Maamulka degmada Feer-feer Soomaaliya ayaa suurto gelisay in dhalinyarada u xirnaa laga soo daayo.
Qaar kamid ah Ehelada dhalinyarada u xirnaa Ciidamada Itoobiya balso la soo daayay ayaa sheegay in Ciidamada ay jirdileen dhalinyaradan kuwaas oo xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo Xarumo Caafimaad oo ku yaalla degmada Feer-Feer Soomaaliya.
Dhowr jeer ayaa Ciidamada Itoobiya ay dad Shacab ah ka kaxeysteen degaano katirsan Gobolka Hiiraan kadib markii ay weeraro tois ah iyo qaraxyo la kulmeen wallow bilihii la soo dhaafay ay arrimahaasi yaraadeen.