Warbaahinta dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa Maanta sheegtay in ay tijaabisay gantaal nuuciisu yahay kuwa isaga kala goosha qaaradaha (ICBM),iyagoo dabajooga amar ka soo baxay hogaamiye Kim Jong Un.
Tijaabada gantaalkaasi ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo difaaca ,isla markaana loogu diyaargaroobayo iska horimaad kasta oo ay la galaan Maraykanka.
Hogaamiye Kim, oo ku labisan jaakad maqaar oo madow ah iyo muraayadaha qorraxda, ayaa kormeeray shalay furitaankii waxa lagu tilmaamay “nooc cusub” ee ICBM, Hwasong-17.
Tijaabadii ugu horeysay ee nuuca gantaaladaan ICBM,waxaa cambaaraysay Kuuriyada Koonfureed ,Japan, iyo Maraykanka.