Hir-Shabeelle oo shaacisay Jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeeysay ee Beledweyne

63

Gudiga Hirgalinta Doorashooyinkabheer dowlad Goboleed ee Maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Deegaan doorashada labaad ee Beledweyne.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in doorashada Afarta Kursi la qabanayo Maalinta Axadda ah ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay 27 Bishaan Marso, waxaana kuraastaas ay kala yihiin.

1: HOP#058 oo uu hadda ku fadhiyo Nuur Iidow Beyle, waxaana kursigaas u sharaxan Xubno uu kamid yahay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

2: HOP#019 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiso Farxiyo Muumin Cali, wuxuuna kursigaan kamid yahay kuraasta ugu adage e doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Beledweyne.

3: HOP#059  oo ay ku fadhiso Samiiro Xasan Cabdulle, waxaana kursigaan u sharraxan Xubno kale, kuwaas oo doonaya inay u tartamaan.

4: HOP#039 oo ay hadda ku fadhiso Drs Maryan Axmed Haaruun, waxaana kursigaan uu kamid yahay kuraasta Isha lagu wada haayo ee taalla Magaalada beledweyne.

Dhamaan Afarta Kursi ee dhawaan lagu qabanayo doorashadooda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay yihiin kuraastii ugu dambeeysay ee taallay Magaalada Beledweyne, waxaana Maamulka Hirshabeelle u harsan lix kursi oo doorashada aqalka hoose oo lagu qabanayo Magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaasi.