Ciidamadaan oo katirsan Ururka 260aad ee qeybta 60aad lagana qaaday magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta laga dejiyay degmada Waajid oo kamid ah degmooyinka Gobolka Bakool.
Ciidamadaan ayaa dhawaan tababar ku qaatay magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha degmada Waajid kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Degmda Waajid Maxamed Yuusuf Cali, Talyaha Ururka 260aad guutada 9aad qaybta 60aad Gaashaanle Maxamed Nuur Maxamed & saraakiil kale.
Saraakiil katirsan Ururka 260aad ayaa sheegay in Ciidamadaan loogu talo alay dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada iyo demooyinka Gobolka Bakool, kuwaas oo dhawaan bilaabanaya.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Ururka 260aad iyo Guddoomiyaha degmada Waajid ayaa waxaa ay sagootiyeen Ciidamo kale oo tabaar ciidan kusoo qaadan doono magaalada Baydabo si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Degmada Waajid ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Bakool ee u go’doonsan Ururka Al-Shabaab, iyada oo mararka qaarna ay weerar kusoo qaadaan, waxaana dowladda Soomaaliya & Maamulka Koonfur Galbeed ay qorsheeyeen inay go’doonka ka qaadaan degmadaaas & degmooyinka kale.