Q.M, UK, Midowga Yurub oo cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

58

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed , iyadoona ku baaqday in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed iyo dadkii kale ee xalay ka dhacay magaalada Beled Weyne. Waxa ay ka tacsiyeynaysaa dilkaas.”.

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay soo dhowaynayso in baaritaan lagu sameeyo falkaas foosha xun, iyadoo ku baaqday in hannaanka doorashada dalka lagu.

Sidoo kale  Midowga Yurub ayaa iyaguna dhankooda ka hadlay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee is xig xigay ee ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

“Rabshaduhu ma ahan wado horay loogu socodsin karo Soomaaliya. EU waxay cambaaraynaysaa argagixisada iyo dilalka ku salaysan siyaasad. Waxaan Tacsi u direynaa qoyska Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi”  ayay tiri Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Dhankeeda Uk ayaa sheegtay” Quluubteenu waxay la jiraan oo la murgoonayaan dhamaan dadkii ay saameeyeen weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne shalay. Waxaanu si adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee lagu carqaladaynayo doorashooyinka.