Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadii is xig xigay ee xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay weerarkii bahalnimo ee xalay, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha ayaa amray Maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amaanka inay adkeeyaan amaanka, baaris dhameystirana ku sameeyaan falalkii argagixiso ee xalay dhacay, sida uu hadalka u dhigay
Cali Guudlaawe Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Qaraxyadii Al Shabaab ka geysteen magaalada Baledweyne xalay ahaa ay ku dhinteen dad gaaraya 48 ruux, halka 108 ruuxna dhaawac uu soo gaaray.