Dowladda Soomaaliya oo codsi Cusub u jeedisay dowladda Turkiga

47

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaa Diinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh  Cumar Cali Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hay’adda Bisha Cas Turkiga ee Soomaliya ORHAN KÖKCÜ, isaga oo ka dhageystay Mr. ORHAN howlaha taakulada ee ay ka wadaan dalka gudihiisa.

Wasiirka ayaa amaanay taakulada Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed waxa uuna ka codsaday in ay sare uqaadaan kaalmadooda xilligan adag ee ay dalka ka jiraan abaaro daran, isagoo sidoo kale xusay in ay nagu soo food leedahay bishii barakeysnayd ee Ramadaan loo baahan yahay in il gaar ah loo yeesho dadka saboolka ah iyo kuwa nugul.

Wasiirka oo kamid ah Guddiga gurmadka abaaraha ee uu magacaabay RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa beryahan waday dardagelin laxiriirta howlaha gurmadka iyo taakulada shacabka ay saameysay abaarta daran ee dalka ka jirta, isagoo kulamo kala duwan la qaatay Hay’adaha ka shaqeeya howlaha Kheyriga.

Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa balanqaaday in ay sare uqaadayaan taakulada ay siin jireen shacabka Soomaaliyeed.

Codsigaan ay dowladda Soomaaliya u gudbisay dowladda Turkiga ayaa kusoo aadaya xilli meelo badan oo kamid Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya ay xilligaan kajiraan abaar daran.