Dad isugu jira Mas’uuliyiin iyo rayid ayaa ku geeriyooday, kuna dhaawacmay Qaraxyada is xig xigay ee caawa ka dhacay Magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.
Wasiirkii hore Waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ku dhaawacmay qaraxyada ka dhacay Beledwayne isaga oo dhaawaciisa lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Beledwayne.
Xildhibaan hore Xasan Dhuxul, isla markaasna ahaa Musharax ayaa kamid noqday dadka ku geeriyooday qaraxyada ka dhacay Beledwayne.
Sidoo kale dhaawacyo kala duwan ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Guud ee magaalada, kuwaasi oo ku waxyeeloobay Qaraxyada. Tirada rasmiga ee dhimashada ilaa hadda ma cadda.