Ruushka oo kordhiyay ciidamadiisa cirka ee Ukraine

46

Ciidamada Ruushka ayaa “kordhiyay Ciidamadooda cirka ee jooga hawada Ukraine” 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sida uu sheegay militariga Ukraine.

“Marka laga soo tago adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee aadka u badan, cadowgu wuxuu adeegsadanayaa diyaaradaha dagaalka, ee xambaara gantaallada cruise-ka, iyo gantaallada ballistic-ga ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay taliska ciidamada cirka ee Ukraine.

Weli waxaa socda dagaalka Ukraine kaas oo uu xoogiisa ka socdo Caasimada dalkaas ee Kyiv taas oo Ciidamada Ruushka ay ku garacayaan gantaalo, iyadoo ay jiraan khasaraahihii ugu badnaa ee dhimasho iyo dhaawac kaas oo soo kala gaaray dhinacyada iyo dad shacab.