Hirshabeelle oo dib u dhigtay doorashadii Caawa ka dhici laheyd Beledweyne

71

Waxaa dib loo dhigay tartanka doorashada ee kuraas lagu tartami lahaa, kuwaasoo lagu wadey in caawa ay ka dhaco magaalada Balad Weyne.

Daud Xaaji Cirro, oo ah afhayeenka dowlad goboleedka HirShabelle ee Soomaliya, ayaa ku dhawaaqey dibu dhigista.

Afhayeenka ayaa intaa ku darey in maadaama uu gabalka sii dhacay in guddiga iyo laamaha ammaanka ay isla garteen in gelinta hore ee bari loo dhigo doorashada.

Kuraasta lagu tartami laha, ayaa waxey kala yihiin kursiga 063 iyo kursiga kale ee 011.