Hay’addaha Gargaarka ee Q.M oo walaac ka muujiyay abaarta ka jirta Soomaaliya

83

Warbixin ay soo saareen Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macaluul.

Ugu yaraan 4.5 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah dalka, oo ay ka jirto abaartii ugu darneyd muddo toban sano ah.

Xoola badan ayaa dhintay, waxaana kor u kacay qiimaha badeecadaha daruuriga ah sida cuntada iyo biyaha.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ku dhawaad ​​700,000 oo qof ayaa ka barakacay guryahooda si ay cunto iyo biyo u raadsadaan, tiradaasina waa ay sii kordhaysaa.

Tani waxay horseeday kor u kaca cudurrada sida daacuunka, jadeecada iyo shuban biyoodka.

Xarumaha caafimaadka ayaa lagu arkayaa koror aad u weyn oo ah carruurta ay hayso nafaqo-xumadda.