Dagaalka ka socda Ukraine oo saameyn ku yeelatay dadka ku nool Bariga Afrika

31

Hay’ada Oxfam ayaa ka digaysa ina ilaa 28 milyan oo qof oo ku nool Bariga Afrika ayaa halis ugu jira gaajo aad u daran sababo la xirira dagaalka Ukraine iyo roob la’aanta kajirta wadamaddaasi.

Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka jira Roob la’aan baahsan , dhanka kale Koonfurta Suudaan ayaa la tacaaleysa fatahaadaha socda, ayay Hay’ada sheegtay.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in colaadda Ukraine ay sababtay cunno yarida kajirta gobolka Bariga Afrika.