Sheikh Somaliland Ka Baxsaday Oo Ku Biiray Al-Shabaab

40

Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame “Sunne” oo dhawaan ay mas’uuliyiinta Somaliland ku dhawaaqeen inuu ka baxsaday magaalada Hargaysa oo uu degenaa ayaa wareysi siiyay BBC-da, isagoo ku sugan deegaannada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu xaqiijiyay in uu kasoo baxsaday Somaliland, isagoo eedeyn u jeediyay Somaliland.

“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timid carqalad xooggan oo ku wajahan howlsheyda, taasoo kaga timid nidaamka ka jira meesha,” ayuu yiri.

Sheekh Aadan Suna ayaa BBC-da u sheegay in uu hadda ku sugan yahay meelaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd in Xukuumadda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaqday madaxbanaanida ee Somaliland ay shaaciyeen in sheekha caanka ah uu ka baxsaday Somaliland islamarkana uu aaday dhanka koonfurta Soomaaliya.

Wasiirku ku-xigeenka Ammaanka ee Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo BBC la hadlay ayaa xilligaas sheegay in wali ay wadaan baaritaanada la xiriira baxsashada sheekhan.

Horay ayaa Sheekhan marar kala duwan loogu xiray gudaha Somaliland, balse waxa uu hadda sheegay in uu ku kalsoonaan hannanaka garsoorka ee  Somaliland.