Ciidanka Nabadusida iyo Sirdoonka Qaranka qeybtooda Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga waxaa ay ka bilaabeen xaafadaha Magaalada dhuusamareeb.
Ciidamada ayaa la dhigay araha Koontorool ee laga soo galo magaalada dhuusamareeb, iyaga oo baaritaan ku sameeynayay Gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya magaalada, si loola socdo dhaq dhaqaaqa dadweynaha ee Magaalada.
Howlgalka oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Nabadusida iyo Sirdoonka Qaranka ee Magaalada Dhuusamareeb Dhame Najiib Xersi Dhoore ayaa lagu hubinayay dadka Magaalada ku heysta hubka sharci darrada ah ee aan ku jirin diiwaangka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug.
Taliyaha Ciidanka Nabadusida iyo Sirdoonka Qaranka ee Magaalada Dhuusamareeb Dhame Najiib Xersi Dhoore ayaa seegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa cid kasta oo ku howlan carqaladeeynta amniga Caasimadda iyo dhaqan gelinta amarkii Wasaaradda Amniga.
Howlgalkan Ciidanka Nabadsugida ay ka sameeyeen magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo beegay todobadyo kadib markii weerar ka dhacay magaalada Dhuusamareeb lagu dilay askar ka tirsan Ciidanka Gorgor, dilkaas oo la sheegay inay ka dambeeyeen kooxda Ahlusunna ee ku sugan degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud.