Ugu yaraan toddoba ruux ayaa ku dhintay, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, ka dib Is-rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Liyuu Booliis ee ka Howlgalla dowlad-deegaanka Soomaalida iyo dad Shacab oo carreysnaa.
Dhacdadan oo ka dhacday Magaalada Bambaas ee Degmada Gursum ee Dowlaad Degaanka Soomaalida ayaa timid ka dib markii Ciidamada Liyuu Booliis ay is hor istaag ku sameeyaan Xaflad la doonayay in lagu caleemo saaro Ugaas, isla markaasna ay dad carreysan isku dhaceen.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada ay rasaas toos ah ku fureen dadka Shacabka ee ka soo qeyb galay Xafladda. Dadka ku waxyeeloobay dhacdadan waxaa ku jiro Nabadoono ka soo qeybgalay Calleema-saarka Ugaaska.
Booliiska Dowlad Deegaanka iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaba weli kama hadlin dhacdan.