Madaxweyneyaasha Shiinaha Xi Jinping iyo Mareykanka Joe Biden ayaa markii u horreysay ka wada hadlay dagaalka saddexda toddobaad galay ee ka socda Wadanka Ukirane.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa dhigiisa Mareykanka u sheegay in aysan jirin cid gaar ah oo uu dan ugu jiro dagaalka uu Ruushka ka wado Ukriane, isla markaasna loo baahan yahay in labada dhinac xaaladda dejiyaan.
Joe Biden iyo Xi Jinping ayaa in muddo ah wax wada hadal ah dhexmarin, waana kii labaad ka dib kulankii ugu horreeyay ee khadka taleefanka ah oo ay yeeshaan kabada haggaamiye tan iyo bishii Nofembar.
Waxaana uu ku soo beegmay iyada oo uu Maraykanku ka walaacsan yahay in Shiinaha gargaar Miletiri siiyo Ruushka ama uu ku xad gudbo Cune-qabteynada culus ee lagu soo rogay Xukumadda Moscow.