Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ka hadlaayay Munaasabad lagu sagootinaayay Xildhibaanada cusub ee laga soo doortay deegaanada Galmudug ayaa ka digay dib u dhac markale ku yimaada doorashada dalka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo khudbad ka jeedinayay Munaasnad lagu sagootinyay Xildhibaannada Cusub ee laga soo doortay deegannada dowlad goboleedkaas ayaa ka digay in mar kale uu dib u dhac ku yimaado doorashada dalka.
“Waxaan dooneynaa in doorashada dalka hore loo galo oo aan dalka dib loo celin, kuna sii jirin is jiid jiid iyo dib u dhac dambe, si aysan saaxiibada Beesha Caalamka ee taageera dowladda Soomaaliya niyad jab intaas ka badan aysan nagu qabin oo Soomaalida dhibaato intaas ka badan kusii jirin,”
Isagoo sii hadlayay Madaxweynaha Galmudug waxaa uu yiri “Waqtiba uma baahna in lasii wado oo waxaa la doonayaa in hadaba la isu geeyo Baarlamaanka si uu u doorto Guddoonka iyo madaxweynaha, sidaas darteed dalka inta uu dib u dhac qabo ayaa ku filan si uu uga baxo dabaca iyo jiitanka mudada dheer taagnaa,”
Sidoo kale, Qoor qoor ayaa sheegay in maamulkiisa uu doorashada Golaha Shacabka kusoo gabagabeeyay waqtigii loogu talo galay ee ahaa 15-ka Maarso, isagoo ugu baaqay dhigiisa dowlad goboleedyada kale in ay soo gabagabeeyaan doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad.
Maamul goboleedka Galmudug ayaa totobaadkaan gudihiisa soo gabagabeesay doorashada Golaha Shacabka, waxaana xigtay dhigeeda Koofur galbeed oo iyana soo gabagabeesay doorashada, iyadoo sidoo kale Muqdisho lagu soo gabagabeeyay doorashada kuraasta labada gole ee baarlamaanka soomaaliya ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) iyo kan doorashada beelaha Banaadiriga.