Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ka digay in la carqaladeeyo Jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FIET, kaasi oo lagu shaaciyay xilliga dhameystirka iyo Dhaarinta Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.
WarSaxaafadeed ay soo saareen Golaha ayay ku soo dhoweeyeen Jadwalka, iyaga oo ku baaqay in Guddiga Doorashada Heer Federaal loo Madax banaaneeyo fulin waajibaadkooda.
“Goluhu wuxuu ka digayaa in la carqaladeeyo jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen GHDHF .Goluhu wuxuu adkaynayaa in iyadoo la raacayo qoddobka 66 aad ee dastuurka, lana raacayo soo jireenkii doorashooyinka 2016/17 ee Guddiga loo madaxbaneeyo GHDHF dhamaystirka hawlaha doorashooyinka” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Midowga Musharixiinta.
Golaha si gaar ah Madaxda Maamul Goboleedyada ayuu ku yiri “Goluhu wuxuu cadaynayaa in kaalinta Dawlad Goboleedyadda ay ku ektahay fududeynta doorashooyinka ee deeganadooda. Wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa in ay faraha kala baxaan dhamaystir ka hawlaha doorashooyinka”.
Hadalka ka soo baxay Midowga Musharixiinta ayaa ku soo aadaya, xilli Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ay ka hor-yimaadeen Jadwalka ay soo saareen Guddiga FIET, iyaga oo sheegay in aan lagala tashan, isla markaasna aysan fulineyn go’aan aysan isku raacin Golaha Wadashiga Qaran.
Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka GMM.