Durraan Axmed Faarax oo ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Shiinaha ee Soomaaliya Danjire FEI Shengcha ayaa waxey ka wada hadleen Iskaashiga labada dal gaar ahaana dhanka Duulimaadyadda Rayidka ah,
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Durraan Axmed, waxaa uu sheegay in Danjiraha uu kala hadlay sidii kor loo qaado xariirka iskaashi ee labada dowladood.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka caawiso horumarinta Gaadiidka Cirka iyo duulimaadyadda Rayidka, isagoo xusay in Shiinuhu uu hiigsanayo heerka Maamulka Hawadda la gaarsiiyo heerka A oo ah kan dunida horumartay ay joogto.