War-saxaafadeed kasoo baxay Maamul Goboleedyada Koofur galbeed iyo Galmudug, waxaa looga soo horjeestay jadwalkii dhameystirka dooraahada 2020-2022-ka ee kasoo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee FEIT.
Qoraal kasoo baxay Koofur galbeed waxaa ay ku caddeesay in aysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hanaankaoo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee la doortay, iyagoo ku tilmaamay warqadda soo baxday mid aan dhaqangaleyn.
“Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddaynaysaa inaysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqalka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna warqadda soo baxday aysan ahayn mid dhaqangal ah.”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay DGS.
Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu tilmaamay in waxa kaliya ay aqbalayaan ay tahay jadwal oyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay xuseen in uu ku yimid wadatashi islamarkaana ay ka wada qeyb qaateen dhamaan Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka banaadir.
Ugu dambeyn Dowlad Goboleedka Koofur galbeed waxaa ay sheegtay in ay xaqiijineyso in in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay ee labada aqal.
“Ugu dambeyntii, Dowladda Koonfur Galbeed waxay xaqiijinaysaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay, waajibaadkaasna uu sharcigu siinaayo Barlamaanka 10aad sidii dhacday Barlamaankii 9aad oo ah doorashadii u dambaysay ee dalka ka qabsoomay 2016/2017.”