War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Koofur Galbeed iyo Galmudug ay waqtigii loogu tala galay ku dhammeystireen doorashada golaha shacabka ee ahaa 15 March.
Mareykanka ayaa waxaa ay nasiib darro ku tilmaameen in Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Hirshabelle ay weli hareer mareen waqtigii lagu heshiiyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.