K/galbeed oo soo gabagabeesay doorashada kuraasta Golaha shacabka

5

Maamul Goboleedka Koofur galbeed ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee soo dhameystira guud ahaan doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad, kadib markii ay qabteen maanta doorashada 7 kursi oo ka harsaneyd kuraasta Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiintii kusoo baxay maanta 7-kursi dhamaantood waxaa ay ahaayeen kuwa ku cusub xubanimada baarlamaanka, balse kursiga koowaad waxaa loo doortay Musharax Xaawo Sokor Cali oo ka mid ahayd musharixiintii tartameysay, iyadoo heshay 79 cod, halka Fadumo Maxamed Isaaq oo la tartameysay ay heshay 18 cod

Kursiga 2-aad waxaa uu ahaa Hop#172, oo uu ku guuleystay Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, inkastoo guddiga doorashada Koofur galbeed aysan shaacin cododka uu helay, balse kursigaan waxaa hore ugu fadhiyay Xildhibaan Cali Caddow Maxamed.

Sidoo kale, Kursiga 3-aad eeHop#164, waxaa ku guuleystay Maxamed Abuukar Cabdi, iyadoo kursigaan uu hore ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamed Isaaq Cusmaan (Fanax), halka kursiga 4-aad Hop#197 uu ku guuleystay doorashadiisa Cumar Cali Balash kaas oo uu hore ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guryeynta Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geeseey,

Kursiga 5-aad ee Hop#204, waxaa isna ku guuleystay doorashadiisa Isaag Cali Subag, inkastoo guddiga aysan shaacin cododka uu helay iyo musharixiintii la tartamayay waxa ay kala heleen oo codod ah iyo hadii ay tartanka ka hareen, balse Kursigaan waxaa hore ugu fadhiyay xildhibaan Macali Cali Aadan

Maryan Macalin Isaag ayaa markale ku guuleystay kursiga 6-aad ee Hop-181 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS.